Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo warramaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka oo garab ka helaya Macawiisleyda iyo ‘AS’ oo uu halkaas ka socda.
Dagaalka ayaa billowday barqonimadii maanta iyada oo lasoo wariyay in qaraxyo xooggan oo loo badinayo inay yihiin Gawaari ay dhaceen, waxaana adag in la helo xogta khasaaraha ka dhashay dagaalkaas sida xogaha ay muujinayaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka oo shalay ‘AS’ kula dagaalamay inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa la shaaciyay in ay go’doon geliyeen xubno katirsan ‘AS’ sida wararku sheegayaan.
Xubno katirsan ‘AS’ oo doonaya in ay soo furtaan Ragga ka go’doonsan ayaa dagaal culus kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dadka Deegaanka ee garabka ku siinaya howlgalka halkaas ka socda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarado dagaal ay qayb ka yihiin dagaalkaas kuwaas oo duqaynaya xubnaha ‘AS’ ee duullaanka ku qaaday ciidamada iskaashanaya iyo kuwa go’doonka ku jira sida wararku tibaaxayaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guullo ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Hiiraan iyada oo soo bandhigtay xubno katirsan ‘AS’ oo ay ku qabatay iska hor imaadkaas, waxaana intaas dheer duqaymo diyaaradeed oo weli xogtooda lasoo bandhigin.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
