Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha Saliida ee gaara ilaa Dekadda Ceyhan ee dalka Turkiga.

Heshiiskan oo dhacay ayaa yimid maalmo uun ka dib markii uu dhacay heshiiskii hore ee labada dal u dhaxeeyay oo jiray muddo tobannaan sano ah.

Wasiirka Saliidda ee Ciraaq, Bassem Mohammed Khudair ayaa sheegay in dhuunta ay qaadi doonto 1.5 milyan fuusto, inkasta oo sannadihii u dambeeyay uu socodka saliidda ee dhuumahaas aad uga hooseeyay awooddooda rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali al-Zaidi, ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskan, isagoo ku sifeeyay tallaabo istaraatiijiyad ah.

Al-Zaidi ayaa intaas ku daray in labada dowladood ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa heshiis oo ka kooban qaybaha saliidda, korontada, khayraadka biyaha, iyo dhinacyada kale ee iskaashiga si loo xoojiyo xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Heshiiskan ayaa daba socda booqasho rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq dhawaan ku tagay magaalada Ankara, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran