Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Warqadda summaddeedu tahay MOF/OM/1316/18 soona baxday 05-Sep-2018 oo ay soosaartay wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasiirada maaliyadda ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya in ay kasoo xibsaab celiyaan lacagaha ay dowladda dhexe u gudbisay dowlad-goboleedyada muddadii u dhexeysay 1-January-2018- 30-June-2018.

Warqadda oo uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Beyle ayaa lagu sheegay in xisaab celintu ay shardi u tahay geeddi-socodka deyn cafiska oo ay Soomaaliya kula heshiisay hay’adda lacagta adduunka IMF, waxa kale oo xaashidan lagu xusay in si loo soo gudbiyo lacag kale ay u baahan tahay in lacagihii hore laga helo xisaab celin dhaqsi ah
Xaashi kale oo kasoo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya May-2018 ayaa dhammaan wasiirada dowlad-goboleedyada waxa looga dalbaday in ay afar bil oo kasta soo sameeyaan xisaab celin kusaabsan lacagaha ay dowladda dhexe ku wareejiso dowlad-goboleedyada.


Xisaab celinta oo shardi u ah nidaamka daahfurnaanta iyo maamulka maaliyadda islamarkaana kamid ah xeerka maamulka miisaaniyadda dowladda ayaa dowlad-goboleedyada qasab uga dhigaya in ay sameeyaan xisaabcelin, taas oo haddii aanay sameyn u keeni karta sumcad xumo dhinaca maaliyadda ah oo sababi doonta in aan
Awoodda sameynta xisaab celin maaliyadeed ee dowlad-goboleedyada
Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe oo hadda ah 5 dowlad-goboleed ayaa waxa suuragal ah in hannaankooda maamulka maaliyaddu uu taagdaran yahay, sabbata oo ah muddada ay qaarkood dhisan yihii oo yar iyo caqabadaha hortaagan oo badan.
inkasta oo uu kala badan yahay qarashka xisaabcelinta ee looga baahan yahay dowlad-goboleedyada haddana qaarkood waxa laga rabaa in ay ka soo xisaabceliyaan lacag dhan 900.000 (Sagaal boqol oo kun) oo u dhiganta in ay 150.000 (Boqol iyo kontan kun) qaadanayeen bil walba muddo 6 bil ah
Isha warqadaha: BBC Soomaali
