Al-shabab oo dil ku fulisay Xubno Kenyaan ah oo ku biiray Daacish.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in Xarakada AL-shabaab ay Gobolka Hiiraan ku dileen muwaaddiniin Kenyaan ah oo horay uga tirsanaa Al-shabaab markii dambase ku biiyay Daacish.

Axmed Yuusuf Xasan iyo Axmed Nuur Cosoble oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa lagu dilay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen AMISOM iyo Dowladd Soomaaliya.

Dadka kale ee Kenyaanka ah ee la dilay waxaa ka mid ah Ardey ka tirsanaa Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya,kaas oo ku biiray Al-shabaab,waxaana lagu magacaabi jiray Jared Mukaya Omambia.

Cabdalla Talal Musa iyo  Faraj Abdulmajid  oo ka soo jeeda Mombasa ayaa ka mid ah xubnaha ka tirsanaa AL-shabab ee ay dowladda Kenya xaqiijisay in ay dileen AL-shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in taliye Sare oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo  Axmed Iman Cali, ay isku dhaceen Hoggaanka sare ee AL-shabaab islamarkaana doonayo in uu ku dhawaaqo in uu ku biiray Daacish.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo laga doonayo xisaab cilin

Read Next

Djibouti hails ‘new era’ of ties with foe Eritrea