War ka soo baxay Maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu si iskiis ah u joojiyay wada shaqeyntii uu la lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Axmed Xasan,ayaa lagu amray dhamaan hay’daha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubaland in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan karin dowladda Federaalka ah.
Hadalkan ayaa imanaya iyada oo Sbatigii Maamul Goboleedyada ka sheegeen Kismaayo in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah.
Waxa ka dambeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada shir ka dhacaya Muqdisho bartamaha Bishan September.
