Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka Qadar

Wasiir Maareeye iyo Wasiir Jassim.

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa la kulmay Wasiirka Gaadiidka Dalka Qadar Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti.

Labad Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal,iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo waliba wada shaqeynta dhinaca kasta ee dowladnimada labada dal.

Kulanka labada Wasiir ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dano dhowr ah oo ay ka mideysanyihiin labada dal,waxaana la isku afgartay in si wadajir ah xoogga loo saaro.

Kulanka ayaa wadahadalka guud kaddib waxaa si gaar ah looga wada hadlay arrimaha Gaadiidka oo ay is afgarad ka gaareen.

Mustaqbal media

Read Previous

Jubaland oo joojisay wada shaqeyntii ay la lahayd wasaaradaha D.Federaalka

Read Next

Al-Sulaiti meets with Somalia minister