Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Daacish ay guullo muhiim ah ka gaareen, wajiga koowaad ee Militariga ah ayuu tilmaamay in ay soo gabagabeeyeen si loo xaqiijinaya guulahaas…
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa kusoo warramaya in ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland oo dhowaan tababar soo dhammaystay in lagu xoojiyay ciidamada howlgalka ka wada buuralayda Gobolka Bari. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo saraakiisha…
Waxaa maanta Salaada Janaasada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagula tukaday meydka Saraakiishii ka tirsana ciidanka Puntland ee lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka…
Janaraal Axmed Cabdi Qalyare, Taliyihii howlgelinta ciidanka Puntland ee Calmiskaad ahna Taliyihii Guutada labaad & Ururka Duufaan ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Deegaanka Dhasaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Taliyahaan ayaa muddooyinkii…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoogga saaraya qorshaha uu ku saldhigayo musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen ilo ku dhow. Saciid Deni ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid…
Dowladda Mareykanka ayaa markii u horreysay ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo khasaare kala duwan dhalisay, taasi oo sabtidii ka dhacday deegaan hoos yimaada magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka…
Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi oo maamul ahaan hoostagta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka socda ka billowday howlgallo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee dilalka aanooyinka la xiriira ku beegsada Ganacsatada, dhaqaatiirta & qaybaha kale ee Bulshada.…
Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi waxaa barqonimadii maanta lagu dilay Allaha u naxariistee Siyaad Cali Xirsi oo kamid ah Ganacsatada Magaaladaas, dilka waxaa gaysatay Koox hubaysan oo baxsatay markii ay marxuumku toogtayn kaddib. Sida ay Mustaqbal…
Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Liibaan Muuse Boqor ayaa wadashaqayn ka dalbaday Dowladda Federaalka isaga oo si gaar ah u codsaday in loo fasaxo mashaariicda ay u baahan yihiin sida uu hadalka u…
Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026 isla markaana uu yahay hoggaamiye waxqabadkiisa la hubo. Dirir ayaa sheegay in…