Meydka Saraakiisha shalay lagu dilay qaraxa miino oo maanta la aasayo

Waxaa maanta Salaada Janaasada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagula tukaday meydka Saraakiishii ka tirsana ciidanka Puntland ee lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka ayaa ka qeyb galay Janaasada oo saraakiisha lagu tukaday oo uu ku jiro taliyihii guutada labaad ee ciidamada Daraawiishta Puntland, Jeneraal Axmed Cabdi Qalyare.

Janaraal Axmed Qalyare waxa uu kamid ahaa saraakiisha waaya-aragga ah ee ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland hoggaanka u haya, waxa uu lasoo shaqeeyay Dowladdii dhexe ee Dalka maamuli jirtay isaga oo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga ee Gobolka Awdal.

Kahor howlgalka Dowlad-Goboleedka Puntland in aysan ka fulin Gobolka Bari waxa uu kaalin wayn ka qaadanayay tababarka iyo diyaarinta ciidamo qaarkood la joogay jiidaha hore ee Dagaalka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Meydka saraakiisha ayaa la qorsheynaya in lagu aaso magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland.

Mustaqbal

 

 

 

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh Maxamuud “In maanta aan Muddo kororsi u cararo ma dhici karto”

Read Next

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askar ku eedeysan in ay jirdileen qof shacab ah.