Maalmihii la soo dhaafay, magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn oo ay shacabka ku dalbanayeen caddaalad, kaddib markii la dilay gabadha yar ee Saabiriin Saylaan. Maanta, Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa bilowday…
Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan. Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo…
Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay Raashin ay sheegeen in loo waday Daacish oo dagaal adag kala dhaxeeya kaddib markii howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanka Yalho ee Gobolka Bari. Saraakiil katirsan Ciidamada Ammaanka…
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in deegaannada Maamulkaasi ay ka jirto xaalad abaareed daran oo u baahan gargaar degdeg ah, isla markaasna ay saameysay dad ka badan hal milyan oo qof. War-saxaafadeed ka soo…
Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa war ay soosaartay waxa ay isaga fogaysay in ay ku lug leedahay dagaallada sokeeye ee ka socda Jamhuuriyadda Suudaan. Puntland ayaa meel fog iska dhigtay in…
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ciidamo cusub ku wareejiyay adkaynta amniga Magaalada Caasimadda u ah ee Garoowe, ciidankaan oo ah Booliis dhowaan tababar gaar ah soo dhammaystay si ay wax uga qabtaan falalka amniga liddiga ku ah.…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay howlgalka Hilaac ee Deegaannada maamulkiisa ka socda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo afjraridda Daacish iyo ‘AS’ oo weli ku sugan qaybo kamid ah…
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale.…
Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ayaa duqaymo culus ka fuliyay Deegaanno hoostaga Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland, saraakiil katirsan maamulkaas ayaa sheegay in la dilay xubno sare oo katirsan Daacish. Dowlad-Goboleedka Puntland…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka, Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe kula kulmay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi…