Itoobiya oo sarkaal ciidan u soo magacowday qunsiyadda ay ku leedahay Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka, Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe kula kulmay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, ammaanka iyo is-dhaafsiga adeegyada bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhoweeyay Qunsulka cusub, isagoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay la shaqeyso qunsuliyadda Itoobiya si loo adkeeyo xiriirka derisnimo.

Itoobiya ayaa laba qunsuliyadood ku leh Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, waxaana sannadkii 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya amrtay in la xiro qunsuliyadahaasi maadama uu xumaaday xiriirka labada dal.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Khubarro Militari oo Masar ka socday oo qiimeeyay goobaha Soomaaliya laga dejinayo ciidankooda

Read Next

Madaxweynaha Jabbuuti oo markii 6-aad loo oggolaaday inuu tartamo