Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa war ay soosaartay waxa ay isaga fogaysay in ay ku lug leedahay dagaallada sokeeye ee ka socda Jamhuuriyadda Suudaan.
Puntland ayaa meel fog iska dhigtay in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari laga qaado duqeymaha diyaaradeed ee Suudaan ka dhaca iyo in ay martigeliyaan Kooxaha Calooshood u shaqaystayaasha ah ee Imaaraatka maalgeliya.
Bayaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa intaas lagu daray in aanay jirin sabab keeni karta ku lug lahaanshiyaha dagaallada sokeeye ee Jamhuuriyadda Suudaan maadaama dalkaas uu yahay waddan walaal la ah Soomaaliya.
Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeya ayaa muddooyinkii dambe waxaa soo baxayay warbixinno sheegaya in Xukuumadda Abu Dhabi ay adeegsaneyso Garoonka Boosaaso si ay usii huriso colaadda Suudaan.

Wixii ka dambeeyay Xasuuqii Kooxda RSF ay ka gaysatay Magaalada Al-Faashir waxaa kordhay eedaha ka dhanka ah Imaaraatka iyada oo warbixin lasoo saaray lagu sheegay in Berbera oo Somaliland ah & Boosaaso oo Puntland ah ay kamid yihiin meelaha laga abaabulo dagaallada Suudaan.
Mustaqbal
