Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab taagan tahay midnimada, Wadajirka iyo Xasiloonida Soomaaliya, waxaana uu cambaareeyay cid weliba oo dhibaato ku ah.
Dr Badr ayaa sheegay in waajib uu yahay in la ixtiraamo midnimada Bulsho iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo markale ku celiyay in ay codkooda ku biirinayaan bogaadinta arrintaas.
“Waxaan garab taaganahay Midnimada, Wadajirka & Xasiloonida Soomaaliya, ma aqbalayno wax weliba oo dhibaato ku ah” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in ay welwel ka qabin in Itoobiya oo dagaal dhinaca isticmaalka Biyaha Nile kala dhaxeeyo ay hesho marin badeed dhinaca Badda Cas, waxa uu xusay in arrintaasi ay tahay mid u taalla dalalka leh.
Masar ayaa kamid ah dalalka kahor yimid faragelintii Itoobiya ay ku samaysay billowgii sannadkii 2024kii iyo Aqoonsigii Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Maamulka Waqooyi Galbeed dhammaadkii sanadkii hore 2025.
Mustaqbal
