Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella ayaa markii ugu horraysay bannaanka soo dhigay sababta ka dambaysa in uusan iska jarin timiisa dhaadheer isla markaana uusa u tidcin ama u dabin.
Marc Cucurella ayaa daaha ka qaaday sheeko qarsoon oo qalbiga xanuujisay Dadkii weydiiyay su’aashaas oo in muddo ah ka gaabsanayay in uu bannaanka keeno kaddib markii uu u sheegay in uu wiilkiisa xannuunka Autism uu qabo ugana dhex garto ciyaartoyda marka uu fadhiyo.
Cucurella ayaa sheegay in uu lacag badan haysto balse uu ka jeclaan lahaa in Wiilkiisa oo Caafimaad qaba uu la noolaan lahaa, waxa uu shaaciyay in uusan ka dheeraan oo kor ka garto wiilkiisa sabab la xiriirta qaabka tintiisa uu sida gaarka ah uga dhigtay.
“Tintayda dheer ma jari doonno waayo waa astaanta uu igu aqoonsado wiilkeyga oo qaba xannuunka Autism marka aan dhex fadhiyo qaybta kaydka ciyaartoyda iyo sidoo kale xiliga aan ku dhex jiro garoonka, waan jeclaan lahaa lacagta aan maanta haysto in baddelkeeda uu wiilkeyga caafimaadkiisu wanaagsanaan lahaa” Sidaasi waxaa yiri, Ciyaaryahan Marc Cucurella.
Ciyaaryahankaan waxaa horay kaar ganaax lagu dul dhigay ciyaartoy kale oo ay is wajaheen kaddib markii ay tinta uga dhegeen ama ka jiideen, waxaa muddo qarsoonaa xogta ka dambaysa in uusan iska jarin tinta ama uusan u dabin sida ciyaartoyda qaar.
Marc Cucurella waxa uu kamid yahay 11ka ciyaartoy ee kusoo baxay shaxda ugu fiicnayd Koobkii adduunka 2026 ee dalkiisa Spain ku guullaystay, waxa uu sannadkaan ka dheeli doonna horyaalka Dalkiisa maadaama uu ku biiray Kooxda Real Madrid.
Mustaqbal
