Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxaana ciidanku ay gaareen deegaanno hoostaga Degmada Afgooye.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gaaray deegaanno dhowr ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggooda ka socda deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle & Galmudug si looga hortago weerarrada ‘AS’ sida ay hadalka u dhigtay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Read Next

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed