Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian ah, iyadoo 10 sano kadib shaacisay inay wax badan ka badashay hannaanka ay u dhaqmaan ciidamada dalkaasi.
Dilka marxuumka ayaa magaalada Ottawa ka dhacay 24-kii Luulyo, 2016, ka dib markii ay ciidamada Booliiska iyo Cabdiraxmaan ay ismaandhaafeen isla markaasna ay eryadeen ilaa hoygiisa.
Mid kamid ah Ciidanka ayaa feer iyo garaacid isugu daray Cabdiraxmaan oo halkaasi ku miyir daboolmay, isagoo geeriyooday maalintii xigtay.
Maxkamadeynta askarigii garaaca geystay ayaa soo gaba-gabowday bishii Oktoobar 2020. In kasta oo ay jireen markhaatiyaal iyo muuqaallo, haddana maxkamaddu waxay askarigii ku xukuntay inuu bari ka yahay aanu dambi lahayn dhammaan eedeymihii loo haystay, taas oo dhalisay caro xooggan iyo dibad-baxyo ay sameeyeen bulshada Soomaaliyeed iyo u doodayaasha xuquuqda aadanaha.
War-saxaafadeedka cusub oo ay soo saareen Ciidamada Booliska Ottawa, waxay ku qireen in dhacdadaas ay ahayd cashar weyn oo beddelay hab-dhismeedka ciidanka.
Waxay sheegeen inay hadda hirgeliyeen tababarro gaar ah oo ku aaddan sida loola tacaalo dadka dhimirka ka xanuunsan, iyadoo hawlgallada noocaas ah lagu darayo khubaro caafimaad.
In kasta oo aysan dambi qiran, haddana waxay sheegeen inay markasta la murugoonayaan Qoyska iyo ehelada Cabdiraxmaan oo ahaa muwadin heystay dhalashada Soomaaliya iyo Canada.
Mustaqbal
