MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Al Muqaabala ee ka baxa telefishinka Al Jazeera ayuu madaxweyne al-Sharaa ku sheegay in uu rajo ka qabo in heshiiska lala galayo Israa’iil uu waddo u xaaro nabad waarta oo dhameystiran.
Waxa uu sidoo kale shacabkiisa u xaqiijiyay in heshiiskan uusan gabi ahaanba meesha ka saari doonin ama uusan wax u dhimi doonin xaqa ay Suuriya u leedahay lahaanshaha dhulka la haysto ee Buuraha Golan, kaas oo ay Israa’iil haysatay tan iyo sanadkii 1973-kii.
Madaxweynaha ayaa xusay in Suuriya ay haatan ka fogaanayso wax isku dhac ah oo dhexmara iyada iyo Israa’iil, isagoo intaa ku daray in heshiiskan dhanka ammaanka ah uu gogol-xaar u noqon karo xal loo helo xiisadaha ka taagan gobolka.
Hadalkan iyo qorshahan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen duqeymo iyo hawlgallo is-daba joog ah oo ciidamada Israa’iil ay bilihii lasoo dhaafay ka fuliyeen koonfurta dalka Suuriya, waana tan iyo markii uu Ahmed al-Sharaa xilka la wareegay bishii Disembar ee sanadkii 2024-kii, kadib markii ay si buuxda u burburtay xukuumaddii madaxweynihii hore ee Bashaar al-Asad.
Mustaqbal
