Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay falcelin ka dhalatay muuqaal ku faafay Baraha Bulshada oo muujinaya Haweeney Xaamili ah oo ku hor umushay Afaafka hore ee Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in guddi si degdeg ah u howlgala loo xilsaaray kaas oo dib u baaraya kaamirooyinka muuqaallada duuba ee CCTV sidoo kalena la kulmaya Haweeneyda ku dhashay meel aan munaasab ahayn & Dadka kale muhiimka ugu ah xog-baaristooda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in haddii Isbitaalka uu yeesho mas’uuliyadda dhibaatadaas in Maamulka iyo cid weliba oo ku lug yeelata laga qaadi doonno tallaabo sharci ah.
Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS

Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Banaadir waxa uu kamid yahay goobaha Caafimaad ee hoostaga Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, dhacdada ku faaftay baraha Bulshada ayaa dhalisay falcelin xooggan iyada oo ugu dambayn Wasaaraddu kasoo hadashay.
Mustaqbal
