1. Home
  2. Banaadir

Category: PUNTLAND

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo baaraya Doon ay ku qabteen Budooyinka qaraxyada & Dad la socday

War kasoo baxay Ciidamada Badda Dowlad-Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Xeebta leh ee Eyl in lagu qabtay Doon wadday Budooyinka loo adeegsado Qaraxyada iyo 7 ruux oo la…

Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka mamnuuco deegaannada maamulkaas

Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Khaadka oo ay ku sheegeen in uu dhibaato wayn ku yahay amniga, dhaqaalaha & waxqabadka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay…

Taliyaha Booliiska Puntland oo sheegay in Hay’adaha ammaanka burburiyeen Xarumo Daacish leedahay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland Janaraal Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in hay’ada ammaanka ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay leedahay Kooxda Daacish sida uu hadalka u dhigay. Janaraal Muumin ayaa tilmaamay…

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo…

DG Puntland oo adkayneysa hubinta Dadka safraya ee ka yar 40ka sano si looga hortago kororka Tahriibka

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin lagu adkaynayo hubinta Dadka safraya ee da’doodu ka yar tahay 40ka sano si looga hortago kororka tahriibka oo muddooyinkii aad u badnaa. Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka…

Shil ka dhacay Garoowe & Israsaasayn xigtay oo sababtay dhimasho iyo Dhaawac

Magaalada Garoowe xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka dhacay shil sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale oo la sheegay in uu ahaa askari kaddib markii Gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay mooto Bajaaj.…

Maxkamadda Gaalkacyo oo dil toogasho ah ku ridday Haweeney dishay Gabar 14 jir ah

Maxkamadda Derajada 1aad ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Xukun Dil ah ku ridday Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu helay in ay dil arxan-darra ah u gaysatay Saabiriin Saylan oo ahayd gabar 14 jir ah, kaddib markii…

DG Puntland oo sheegtay in ay xirtay Rag & Dumar katirsan Daacish

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay xirtay Dad isugu jira Rag iyo Dumar oo katirsan Daacish, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Warbaahinta la wadaagay in howlgallkaan uu ahaa mid…

DG Puntland oo sheegtay in duqayn ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay saraakiil katirsan Daacish  

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqayn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee Maraykanka uu leeyahay oo ka dhacday buuraladya Gobolka Bari in lagu dilay xubno katirsan Daacish oo tiradoodu gaarayso 5…

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo la soo taagey haweeney ku eedeysan dilka gabar yar

Maalmihii la soo dhaafay, magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn oo ay shacabka ku dalbanayeen caddaalad, kaddib markii la dilay gabadha yar ee Saabiriin Saylaan. Maanta, Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa bilowday…