DG Puntland oo adkayneysa hubinta Dadka safraya ee ka yar 40ka sano si looga hortago kororka Tahriibka

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin lagu adkaynayo hubinta Dadka safraya ee da’doodu ka yar tahay 40ka sano si looga hortago kororka tahriibka oo muddooyinkii aad u badnaa.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo la hadlay Arday Qallin-jabisay ayaa sheegay in khatarta kororka tahriibka ay sii korortay sidaas awgeed Ka maamul ahaan doorkoodu kahortagga uu noqon doonno mid muuqda.

Lugatoor ayaa intaas ku daray in Dowlad-Goboleedka Puntland ay hubin adag marin doonno dadka safraya ee da’doodu ka yar 40 jir maadaama dadka inta badan tahriibaya ay ka yar yihiin da’daas sida ka muuqata daraasihii lagu baaray.

“Siyaasadda Puntland ee la dagaalanka arrinta tahriibka, waa in qofka da’ ahaan ka yar 40 sano ee dalbanaya Baasabaoorka uu sharaxaa sababta uu u dalbanayo, haddii qofka uu dibad u dhoofayo waa in aan ogaanaa ujeedka safarkiisa” ayuu yiri, Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dad u badan dhallinyaro ayaa sanadkaan ka tahriibtay Soomaaliya, qaarkood ayaa galay Dalalka Yurub, kuwo ay ku dhinteen in ay ku jireen safarka khatarta badan ee badda halka qaar kale ay ku xiran yihiin Dalalkii ay u tageen in ay kasii tahriibaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Gabdhaheeda

Read Next

Qaramada Midoobay ayaa billaawday qorshaha ay uga baxeyso gudaha Soomaaliya