Puntland oo shaacisay in abaar daran ka jirto deegaannada Maamulkaasi

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in deegaannada Maamulkaasi ay ka jirto xaalad abaareed daran oo u baahan gargaar degdeg ah, isla markaasna ay saameysay dad ka badan hal milyan oo qof.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad goboleedkaasi ayaa lagu sheegay in abaarta ay si gaar ah ah uga jirto gobollada Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar, iyo Raasicsayr.

Sidoo kale, Puntland ayaa tilmaamtay aan la helin roob badan mudada labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa in abaartu sababto biyo iyo cunto yari.

Warbixinaha la helay waxay muujinayaan in in ka badan 310,770 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro guud ahaan Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor ayaa Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ee deegaannada Maamulkaasi ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo wax ka qabashada abaarta daran ee ka jirta Puntland.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska

May be an image of text

May be an image of text

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in uu u safro Dalka Aljeeriya

Read Next

Soomaaliya iyo WFP oo ka wada hadlay ka jawaabida xaaladda binu aadanimo