Laamaha ammaanka Puntland oo Gaalkacyo ka billaabay howlgallo ka dhan ah Kooxaha dilalka aanooyinka gaysta

Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi oo maamul ahaan hoostagta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka socda ka billowday howlgallo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee dilalka aanooyinka la xiriira ku beegsada Ganacsatada, dhaqaatiirta & qaybaha kale ee Bulshada.

Kulan gaar ah oo ka dhacay taliska guud ee Nabadgalyada Waqooyiga Gaalkacyo lagala socdo waxa ay Saraakiishu ku go’aamiyeen fulinta howlgalladaan lagu beegsanayo Kooxaha hubaysan oo haatan magaalada ku dhex dilaya Dad isugu jira Ganacsato & Dhaqaatiir.

Laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa digniin u diray dadka la shaqeeya kooxahaan dilalka gaysta, waxa ay tilmaameen in isku dambi noqonayaan haddii gacanta lagu soo dhigo maadaama ay gacansiinayaan.

Muddo 15 maalmood gudahood waxaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug lagu dilay labo dhaqtar iyo ganacsade kuwaas oo loo beegsaday sabab ka dhalatay dilal hore oo ka dhacay Gobolkaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Soomaaliya oo Dalalka Masar, Itoobiya & Suudaan ugu baaqay in ay xal siyaasadeed ka gaaraan wadaaga Biyaha Nile

Read Next

Taliyaha Ciidanka Xoogga & Guddoomiyaha SODMA oo kawada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaannada laga qabsaday AS