Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dalalka uu ka dhaxeeya nacfiga Biyaha Nile ee kala ah Masar, Itoobiya & Suudaan ugu baaqay in ay nabad ku dheehan tahay u wadaagaan Biyahaan.
Waraysi uu siiyay Teleefishinka Al-Carabiya ayaa intiisa badan wax looga waydiiyay muranka Masar iyo Itoobiya ee biyo xireenka, ka qaybgalkiisa, cilaaqaadka Soomaaliya ay la wadaagto labadaan Dowlad iyo saamaynta ay ku reebi karto xiisadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan oo fac wayn la wadaagto Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, sidoo kale xiriir derisnimo ku dhisan sidoo kale ay la leedahay Itoobiya sidaasina ay isugu wado labadaan Dowladood.
“Waa muhiim in nabad lagu wadaago biyaha Nile, waxa aan ugu baaqayaa in xal siyaasadeed lagu gaaro, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxa aan ku adkeeyay in uu la fadhiisto dhinacyada kale si hoos loogu dhigo walaaca ay ka qabaan biyo xireenka” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa qaanad kuwada wada Dalalka Siyaasad ahaan is diidan ee Masar iyo Itoobiya, labadaan dal waxa ay wadaag ku yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaa intaas dheer cilaaqaad gaar ah oo Muqdisho kala dhaxeeya dhiggeeda Qaahira.
Mustaqbal
