Taliyihii howlgelinta Ciidanka Puntland ee Calmiskaad oo qarax miino ku dhintay

Janaraal Axmed Cabdi Qalyare, Taliyihii howlgelinta ciidanka Puntland ee Calmiskaad ahna Taliyihii Guutada labaad & Ururka Duufaan ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Deegaanka Dhasaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Taliyahaan ayaa muddooyinkii dambe dardargelinayay howlgallada ka socda Gobolka Bari gaar ahaan dhulka buuralayda, waxa uu dhiirrageliye iyo hoggaamiye u ahaa ciidamo gaar ah oo katirsan kuwa Dowlad-Goboleedka Puntland oo halkaas ka howlgalaya.

Marar kala duwan oo uu Warbaahinta kasoo muuqday waxa uu ciidamada iyo saraakiishooda kula dardaarmi jiray in ay guul ka gaaraan dagaallada ay kula jiraan Daacish oo dhul muhiim ah kana tirsan Gobolka Bari ka socda.

Janaraal Axmed Qalyare waxa uu kamid ahaa saraakiisha waaya-aragga ah ee ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland hoggaanka u haya, waxa uu lasoo shaqeeyay Dowladdii dhexe ee Dalka maamuli jirtay isaga oo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga ee Gobolka Awdal.

Kahor howlgalka Dowlad-Goboleedka Puntland in aysan ka fulin Gobolka Bari waxa uu kaalin wayn ka qaadanayay tababarka iyo diyaarinta ciidamo qaarkood la joogay jiidaha hore ee Dagaalka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya

Read Next

Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray ciidamo qeyb ka noqonaya dagaalka AS