Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo ka mid noqon doono Daraawiishta dowlad goboleedkaasi, kuwaasi oo bilihii la soo dhaafay u socday tababar.
Munaasabad ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Ciidanka ku soo bandhigeen dhoolatus la xiriira cashirradii ay barteen ee la xiriira dhinaca amniga.
Madaxweynaha DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka qaadan doonaan dagaalka AS iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Maamulkaasi.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ciidanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo xasiloonida Maamulka, si shacabka nabad ugu noolaadaan.
Mustaqbal
