DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Yaya Toure ayaa dhameystiray heshiiskii uu ugu biiray kooxda Olympiacos ee Horyaalka Dalka Giriiga.
35 jirkaan ayaa xur ahaa tan iyo markii uu ka dhacay qandaraaskii uu kula joogay kooxda Etihad Stadium dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu haatan qalinka ku duugay heshiis uu ugu biiray Olympiacos isagoo diiday xiisaha kooxo kale.
Toure ayaa u muuqda inuu dib ugu laabtay kooxda ka dhisan Giriiga oo uu horay ugu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2005-06, isagoo dhaliyay seddex gool 20 kulan oo uu saftay.
“Waa sharaf inaan dib ugu soo laabto Olympiacos, markii aan ka tagay 2006 waan jeclaa mar walba in aan kusoo laabto, waana ku faraxsanahay inaan heysto ereygeyga,” ayuu Toure ku yiri hadal uu soo dhigay website-kiisa rasmiga ah.
“Waxaan dalabyo ka helay kooxo badan oo Yurub ah, Asia iyo USA.” Ugu dambeyntii, waxaan go’aansaday inaan ku saleysnao xiriirka gaarka ah ee aan la leeyahay kooxdaan aad u fiican.
Toure ayaa 316 kulan u saftay City intii uu socday sideed sano oo uu kooxda joogay, isagoo dhaliyay 79 gool, islamarkaana uu ka caawiyay seddex horyaal.
