Trump oo Canshuur culus ugu hanjabay in uu ka qaadayo Dalal Yurub ee danihiisa Greenland kasoo horjeeda

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dalal ay xulufo dhow yihiin oo katirsan Midowga Yurub ugu hanjabay in uu saari doonno canshuur culus oo 10% isla markaana aysan xali Karin waddamadaan lacagtaas haddii ay kahor yimaadaan damaciisa Jasiiradda Gareenland.

Donald Trump ayaa si gaar ah u xusay Madaxda Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Norway, Denmark, Sweden, Jarmalka, Netherlands & Findland oo dhammaantood wada dhaqdhaqaaqa ka dhan ah damaca Madaxweynaha Maraykanka ee Jasiiraddaas.

Qorshahaan waxa uu dhaqangelinayaa 1da Bisha soo socota ee Febaraayo sanadkaan 2026, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in haddii ay sii madax adkeeyaan Madaxdaan in uu canshuurta gaarsiin doonno 25%

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid gabi ahaanba khalad ah oo kahor imaanaysa danaha saaxiibtinimo ee isku xiraya Maraykanka iyo Dalalkaan kale ee diidan xadgudubka uu qaaraddooda ku samaynayo.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa dhankiisa ka dhiidhiyay, waxa uu ku tilmaamay dhabbe aan wanaagsanayn in la raaco hanjabaadda dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump oo si juujuub ah u marsiin raba damaciisa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada Dowladda Federaalka & AS oo ku dagaalamaya Gobolka Shabeelaha Dhexe

Read Next

Ciidanka DFS oo weerar culus ku qaaday Deegaanka Jabad Godane ee Shabeelaha Dhexe