Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Jabad Godane oo maalmihii lasoo dhaafay duqaymo culus lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ oo halkaas joogay sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda.
Ujeedka howlgalka ayaa ahaa in Ciidamada Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ay beegsadeen deegaannada u dhow Masaajid Cali Gaduud oo muhiim u ah isu socodka Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug & Gobolka Banaadir.
Diyaarado dagaal iyo qoryaha culus ee lagu xiro Gawaarida ayaa lagu beegsaday Saldhiyada ‘AS’ iyaga oo ugu danbayn la sheegay in ay halkaas isaga baxeen, waxaa socda howlgallo baaris ah oo ay wadaan Ciidamada Kumaandooska Danab.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Jabad Godane ka howlgallaya ayaa sheegay in godad waa weyn ay qoteen ‘AS’ balse ugu danbayn duqayn culus lagu burburiyay iyaga oo isaga baxay godadkaas sida ay hadalka u dhigeen.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa la sheegay in ‘AS’ ay xoogga saartay, maalmihii lasoo dhaafay waxa ay Dowladda Federaalka ay kordhisay howlgallada iyo ciidamada jooga Gobolkaas si looga hortago qorshaha AS.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Howlgallada Maraykanka ee AFRICOM oo caawiya Kumaandooska Danab ayaa laga sugayaa natiijada khasaaraha ka dhashay duqaynta & howlgalka Gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhacay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
