Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga dhinaca Amniga iyo Difaaca, gaar ahaan horumarinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Is-afgaradkan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi halka dhanka dowladda Pakistan uu u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas, Khawaja Muhammad Asif.
Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in labada dal ay si dhow isaga kaashadaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan la-dagaallanka AS, tababarada Ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatari, iyo kobcinta guud ee awoodaha difaaca.
Sidoo kale, labada wasaaradood ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta amniga si loogu guuleysto dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Saxiixa Is-afgaradkan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wado dadaallo dib u dhis loogu sameynayo Ciidamada Qalabka SIda ee Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan dagaalka AS iyo la wareeegida Amniga dalka.
Mustaqbal
