Shirkadda Albayrak oo bilaabaysa dhismaha garoon cusub oo Muqdisho laga hirgelinayo

Shirkadda Albayrak, oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, ayaa bilaabaysa dhismaha garoon cusub oo caalami ah, kaas oo laga hirgelinayo deegaan xeebeed ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirkadda oo kaashanaysa shirkado maxalli ah, ayaa dhowaan gaysay deegaankaas dhagxaanta adag ee darbiyada lagu dhiso.

Si kastaba ha ahaatee, kooxo hubaysan oo dad deegaanka ah ayaa muujiyay in ay ka soo horjeedaan in deegaankaasi laga hirgaliyo dhismayaal aan lagala tashan.

Dhanka kale, diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Qatar, ayaa maanta ka soo degtay magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa afar maalmood gudahood saddex jeer u kala duushay dalalka Turkiga iyo Soomaaliya,

Wararka qaar ayaa sheegaya in duulimaadyadan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee Turkigu ka wado gudaha Soomaaliya ay qeyb ka yihiin mashruucyo horumarineed oo baaxad leh, iyo sidoo kale taageero milatari oo la xiriirta dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Read Next

Qarax ka dhacday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo sababay geerida 29 arday