Qarax ka dhacday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo sababay geerida 29 arday

Ugu yaraan 29 carruur ah ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 250 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu qarax ka dhacay Iskuulka Sare ee Barthelemy Boganda ee magaalada Bangui ee caasimadda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka xilli dib loo soo celinayay korontada matoorka transformer-ka iskuulka kadib markii uu ciladoobay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas.

Inta badan ardayda dhimatay oo ay ku jiraan 16 gabdhood ayaa ku geeriyooday goobta dhacdadu ka dhacday, halka qaar kale ay ku dhinteen isbitaalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

260 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana lagu daaweynayaa isbitaallo kala duwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Qiyaastii 5,000 oo arday ah ayaa iskuulka ku sugnaa waqtiga uu Qraxu dhacayay, iyagoo ku jiray imtixaanno.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shirkadda Albayrak oo bilaabaysa dhismaha garoon cusub oo Muqdisho laga hirgelinayo

Read Next

Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlay dagaalka Iran