Puntland oo sheegtay in aan ogolaan doonin in Dano siyaasadeed looga faa’iidaysto Caleemo saarka Madaxweyne Deni.

Wasiirka warfaanta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo kamid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand, ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga fa’idaysto xaada caleemo saarka.

Wasiirka warfaanta  Puntland oo war baahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu in ay kala hadli doonaan martida qudbadaha ay jeedinayaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Deni.

Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan  Puntland wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn in ay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in Puntland muujiso inay qadarin uhayso muxaafid iyo mucaarad.

Hadalka wasiirka warfaanta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysa oo ay madal isugu imaandoonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyada oo la sugayo qudbadahooda.

Mustaqbal media

Read Previous

Wufuud kala duwan oo garaay Garowe iyo kuwa kale oo ku sii jeeda.

Read Next

Faah-faahin kasoo baxeysa Qarax Waxyeelo gaarsiiyay Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay Jubada Hoose.