Wufuud kala duwan oo garaay Garowe iyo kuwa kale oo ku sii jeeda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaraha ee Magaalada Garowe, sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa lagu wadaa in uu maanta Gaaro Garowe.

Madaxweynaha Puntland Dani iyo ku xigeenkiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka waxaana sheegeen Madaxdu in ay ka qeyb gali  doonaan Xafladda Caleemasaarka Madaxda Cusub ee Puntland oo lagu wado in maalinta Bari ah lagu Caleemo saaro Garowe.

Shalay waxaa Garowe gaaray Wafdi uu hugaaminaayo Gudoomiyaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Mucaaradka ee lafiyo in Caleema saarka Madaxweyne Deni ka qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,Hugaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Masuuliyiinka kale.

Amniga Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa aad loo adkeeyey waxaa lafilaayaa in ay maanta gaaraan Madaxweynaha Soomaaliyo Maxamed Cabdullahi Farmaayo iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada.

Magaalada Garowe waxaa gaaray Masuuliyiin badan oo Mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya iyo kuwe kale oo Taageersan Dowlada ayaka oo dhamaantood ka qeyb galaya Caleemo Saarka Madaxweyne Deni.

Mustaqbal media

Read Previous

Maamulka G/Banaadir oo hadlay dab Xalay ka kacay Suuqa weyn ee Dagmada Wadajir.

Read Next

Puntland oo sheegtay in aan ogolaan doonin in Dano siyaasadeed looga faa’iidaysto Caleemo saarka Madaxweyne Deni.