Faah-faahin kasoo baxeysa Qarax Waxyeelo gaarsiiyay Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay Jubada Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maanta Miino ay ku qaraxday askar katirsan Ilaalada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Inta la Xaqiijiyay 6-askari ayaa ku dhimatay Qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen kuwo kale, waxa ay la socdeen Kolonyo Gaadiid ah oo sugayay Ammaanka Madaxweynaha Jubbaland Madoobe intii uu ku sugnaa Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley kahor inta aan maanta ugu safrin Magaalada Garoowe.

Ciidamada ayaa kolkii hore laga qaaday Magaalada Kismaayo si ay u sugaan Ammaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Intii uu ku sugnaa Degmooyinka katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu Madaxweynaha Jubbaland la kulmay, Saraakiil, Odoyaasha Dhaqanka, Maamulada Degmooyinka uu tagay iyo Taliska AMISOM qaybta Jubbooyinka iyo Gedo ka howlgala.

Maamulka Jubbaland wali kama hadlin Qaraxaan, Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaan waxa ay tilmaameen in ay ku dhinteen 19-askari oo katirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowaan Degmada Afmadow ugu dhawaaqay Dagaal ka dhan Al-Shabaab oo ay si wadajir ah u qaadayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Jubbaland iyo AMISOM.

Mustaqbal media

Read Previous

Puntland oo sheegtay in aan ogolaan doonin in Dano siyaasadeed looga faa’iidaysto Caleemo saarka Madaxweyne Deni.

Read Next

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ku dhawaaqday shir looga hadlayo Kheyraatka Dalka.