Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir wadatashi ah oo uga socda hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland saddexdii berri ee la soo dhaafay.
Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo wada saareen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Muxammed Islaan, waxa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in shirka diiradda lagu saaray muddadii uu socday xaaladda uu marayo dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish, hannaanka geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
Deni iyo Madoobe ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan madasha samatabixinta Soomaaliyeed oo ay dhawaan Muqdisho uga dhawaaqeen Mucaaradka, sidoo kale waxa ay ka hor yimaadeen wax ka badalka Dastuurka dalka.
Sidoo kale maamulladaan ayaa ugu baaqay Dowlad Gobaleedyada kale ee dalka in ay qabsadaan doorasho golaha deegaanka, ayna Puntland ka caawin doonta habka ay u qabsan lahaayeen doorasho qof iyo cod.
Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo ka kooban 11 qodob iyo 3 Bogg:



Mustaqbal
