Sirdoonka Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khasaaraha gaarey Xarruumaha Nukliyeerka Iiran

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii u horreysay ka hadashay khasaaraha gaarey Xarruumaha Nukliyeerka Iiraan ee la duqeeyay.

Agaasimaha Sirdoonka CIA-da Mareykanka ayaa sheegay inuu jiro dhaawac soo gaarey xarruumaha Nukliyeer, kaasi oo qasbaya in sanado dib loogu soo celiyo waxa burburay.

Mareykanka ayaa si wayn uga soo horjeeda dadaallada Iiraan ku dooneyso in ay ku yeelato hub Nukliyeer ah, kaasi oo ay u arkaan mid saameyn ku yeelan kara Bariga Dhexe.

Hadalka Sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli warbixin sirdoon oo horudhac ah oo sheegaysay in duqeymihii Maraykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran aysan guulaysanin.

Hore Iiraan waxay u sheegtay inuusan wax khasaare ah soo gaarin xarruumaha Nukliyeerka oo ay ka socdeen howlaha bacriminta iyo soo saarista hubka.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay Midnimo

Read Next

Puntland iyo Jubbaland oo ka hor yimid wax ka badalka Dastuurka dalka