PSG oo £90m ku dooneysa David de Gea.

Kooxda reer France ee PSG ayaa dalabkii ugu qaalisanaa kasoo gudbisay goolhayaha kooxda United-ka iyo xulka Spain David de Gea,

Goolhayaha reer Spain ayaan ku qanacsaneyn ka sii ciyaarista garoonka Old Trafford wuxuuna diirada u saaran yahay kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Real Madrid.

Wargeyska Daily Star ayaa ku waramaya in PSG ay goolhayaha u balan qaaday todobaadkii aduun dhan £450 hadii uu kuso biiro kooxda reer France PSG.

Goolhayaha kooxda PSG ee Gianluigi Buffon ayaa qandaraaskiisa dhacayo dhamaadka xili ciyaaredkan waxaana macquul ah in uu kooxda usii ciyaari waayo maadama da’diisu ay tahay 41-jir De Gea ayaana loo arkaa in uu yahay badalkiisa.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Ciidanka Dowladda oo Saldhig ka sameystay Bariirre

Read Next

SNA forces seized Bariirre Village from Al-shabab