Ciidanka Dowladda oo Saldhig ka sameystay Bariirre

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka dagaal kooban kaddib la wareegay degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidamada ayaa fariisin ka sameystay Bariirre,waxaana jira degaanno kale oo ay doonayaan in ay ka qabsadaan Dhaq  dhaqaaqa Al-shabaab oo degaannadaas maamula.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ee howlgalkaas ku jira  ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo ku jiray Xerada Jeneraal Gordan ee Muqdisho oo hadda ku jira N50 ay Saldhig weyn ka sameysan doonaan Bariirre.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in meesha xigta ee ay Ciidamada dowladda kala wareegayaan AL-shabaab ay tahay Degmada Awdheegle,waxaana sii xigaya degaanka Jannaale oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa degaanka Bariirre ka qabsatay Al-sbabaab bil kaddib markii ay qabsadeen degaanka Sabiid 1dii April .

Web master

Read Previous

HORDHACA:Barcelona vs Liverpool+Safafka Macquulka ah.

Read Next

PSG oo £90m ku dooneysa David de Gea.