MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Waxaa caawa la ciyaari doona kulanka ugu adag kulamada 4-far dhamaadka tartanka Champions League-ga kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaana fooda isdari doono kulan ka dhicidoono garoonka Cump Nou.
Barca ayaa caawa garoonka kuso dhaweyn doonta kooxda aan dabka yar shideynin ee Liverpool waxeyna dooneysa iney guul ka gaarto iyadoo lagu ciyaarayo garoonkeeda balse Liverpool ayaa ah kooxda ka liya ee ka socota Ingiriska oo guul ku gaartay garoonka Barcelona.
Barcelona oo aan muddo dheer ku guulaysan koobka dhagaha weyn ayay ka go,antahay in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato waxana ay u soo gali doontaa sidii ay haatan hal lug ula sii gali lahayd Finalka guul weyna uga gaari lahayd Liverpool.
Liverpool oo Finalka tartanka gaartay xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay dhamaystirto shaqadii ay bilowday xilli ciyaareedkii hore markana kor u qaado koobka waxana ay Camp Nou u soo gali doontaa sidii ay natiijo wax ku ool ah ugala bixi lahayd ka hor inta ayna garoonkeeda Anfield la tagin todobaadka dambe.
Kulanka:Barcelona vs Liverpool
Tartanka: Champions League-ga.
Wakhtiga: 10:00pm
Garoonka: Cump Nou.
Garsoore: Bjorn Kuipers (Netherlands)
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Barcelona iyo Liverpool ayaa wada ciyaaray 8 kulan taariikhdooda dheer iyada oo Reds ka gacan sarayso kooxda Barcelona iyada oo badisay 3 kulan 2 kulana bar-baro la gashay halka Barcelona badisay 2 kulan laakiin Blaugrana ayaan waligeed Liverpool ka reebin tartamada yurub.
Kulankii ugu dambeeyay oo ay kulmaan labada kooxood ayaa ahaa 2007 markaas oo ay ku kulmeen wareega 16-ka champions League iyada oo Liverpool ku soo baxday goolka Martida kadib markii 2/2 ku kala bexeen kulankii lugtii 2-aad.
Liverpool ayaan waligeed guuldaro kala kulmin Barcelona kulamadii ay martida u ahayd 2 kulan way ka badisay 2 kalena bar-baro ayay la gashay
Safafka Macquulka ah:
Barcelona:
Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Coutinho.
Liverpool:
Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Henderson, Wijnaldum; Salah, Mane, Firmino.
