Museveni oo ku gooddiyay in uu la baxayo ciidankiisa Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa uu ku hanjabay in dhamaan Ciidanka ka jooga Soomaaliya uu kala baxayo haddii Midowga Afrika uu isku dayo in uu dhimo Ciidanka Uganda ee ku jira AMISOM.

Mr Museveni ayaa sheegay in isaga uu si shakhsi ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ugu wargeliyay in 6,400 oo Askari oo ka jooga Soomaaliya uu dhamaantood la baxayo haddii goluhu amro in Ciidanka Uganda la dhimo.

Arrintan ayaa ku soo aadday iyada oo dhawaan Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, uu ku hanjabay in dhamaan Ciidankiisa uu la baxayo kaddib markii Golaha amaanka ay amar ku bixiyeen in 1,000 Askari laga saaro Soomaaliya.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 400 oo ka mid ah Askarta Burundi ka baxeen Soomaaliya halka 600 kale ay wali ku suganyihiin.

Museveni ayaa yiri: “waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha amaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari ilaa aan dhamaantood soo saaro”.

Yuweri ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM oo guud ahaan ka baxa Soomaaliya ay ku xirantahay Dalka howlgalka uu ka socdo (Soomaaliya) oo sameysta Ciidan ku filan.

Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahanyahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo.

Web master

Read Previous

Ciidanka Badda Iraan oo Burcad Badeed ka badbaadiyay Markab ay qafaalan rabeen

Read Next

Uganda joins chorus to quit Amisom over cuts