Ciidanka Badda Iraan oo Burcad Badeed ka badbaadiyay Markab ay qafaalan rabeen

Ciidamada Badda Dalka Iraan ayaa Markab shidaal ka badbaadiyay koox burcad badeed Soomaali ah oo isku dayay in ay Markabka afduubtaan.

Markabka ayaa marayay Biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Iraan ee Baabal Mandab,waxaana ay kooxda Burcad Badeedda ah wateen 11 Doomood oo kuwa wax lagu afduubto ah.

Saraakiisha Ciidanka Badda Dalka Iraan ayaa sheegay in Markabka uu wado 150 Tan oo shidaal ah,kaas oo ay sheegeen in ay ka badbaadiyeen Burcad Badeedda.

Telefishinka Dalka Iraan ayaa baahiyay muuqaalka shilkaasi oo dhacay Jimcihii la soo dhaafay,waxaana la siidaayay muqaal kooban oo muujinaya Ciidamada badda Iraan oo rasaas ku ridaya doomaha dheereeya.

 

Web master

Read Previous

Somali woman jailed in brother’s kill

Read Next

Museveni oo ku gooddiyay in uu la baxayo ciidankiisa Soomaaliya