DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shirweynaha 1aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ee sanadkaan 2025, waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Wasiirrada Caddaaladda Dowlad-Goboleedyada, mas’uuliyiin & marti kale.
Shirkaan waxaa sanadkaan diiradda lagu saaraya horumarinta Garsoorka iyo kor u qaadista helitanka Caddaaladda, waxaa jirayo doodo dhexmaraya Martida iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ka socota oo ay wehliyaan martida kale ee sanadkaan la casuumay.
Sidoo kale, waxaa lasoo bandhigi doonnaa waxyaabaha loo baahan yahay in laga shaqeeyo si loo gaaro hadalka lagu sal adkaynayo Caddaaladda, caqabadaha xalka u baahan iyo diiwaangelinta qodobada muhiimka ah ee kasoo baxa doodaha la isku aragti dhaafsanayo muddada kulankaan uu socdo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
