MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, ayaa Gudoomiye cusub u soo magacaabay degmada Cabdicasiis oo kamid ah degmooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdihso.
Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), ayaa Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oranjo u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Cabdicasiis, Oranjo waxa uu mudo dheer ka soo shaqeeyey Warbaahinta Dowladda, waxa uu ahaa kahor intii loo magacaabin xilkan agaasimaha xiriirka Warbaahinta gaarka ah ee Wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha goboka Banaadir Eng Yariisoow ayaa xilka guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ka qaaday Sharma’arke Ladane oo ahaa Gudoomiyaha degmada C/Casiis, Duqa Muqdisho ma sheegin sababta rasmiga ah ee ka danbeysay xilka qaadistan iyo magacaabista.
Gudoomiye Yariisoow ayaa waxa uu gelinkii danbe ee shalay Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid u magacaabay Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed oo hore u ahaa guddoomiyaha degmada Xamar- Jajab.

Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa waxaa dhowaan shaqa joojin ku sameeyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir xilli uu dalka ka maqnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo ku eedeeyay in uu ku kacay fal la xiriira musuq maasuq.
