Ciidamada Amaanka oo dilay askari dil kageystay Muqdisho

Ciidanka Amaanka degmada Karaan ee Gobolka Banaadir ayaa toogtey Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada,kaasi oo dilay u geystay wade Moote Bajaaj.

Dadka goob joogayaal ah ayaa Mustaqbal u sheegey in muran dhexmaray Askariga iyo Darawalka Motooto Bajaajlaha ahaa, ka dibna askarii uu madaxa Xabad uga dhuftay wadihii Mootada.

Askarigii dilka geystay oo goobta cararay ayaa galay guri ku yaal Xaafada Faanoole ee dagmada  Kaaraan,balse Ciidanka amaanka ayaa tagey gurigii uu galay askarigii hubeynaa iyagoona ugu dambeyn guriga dhexdiisa ku toogtay Askarigii dilka geystay.

Goobta Dilku ka dhacey

Maydka Darawalkii Mooto bajaajta ayaa loo qaaday xurunta hey’adda Dambi baarista ee CID ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dagmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa marar badan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya dilal loogeystay wadayaasha Moota Bajaajta oo ka dhasha muran dhexmara iyaga iyo Ciidanka amaanka.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Xeerka Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka

Read Next

Ismaaciil Oranjo oo loo magacaabay Gudoomiyaha degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir