DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo ay sameeyeen ciidanka Dowlad-Goboleedka oo ka dhacay Gobolka Gedo gaar ahaan waddooyinka isku xira Degmooyinka Doolow, Luuq, Balad xaawo iyo deegaanno kale.
Ciidanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee howlgalka fuliyay waxa ay la kulmeen qaar kamid ah Dadka Deegaanka iyaga oo ka codsaday in ay ku caawiyaan sidii ay ula wadaagi lahaayeen xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan ‘AS’
Ujeedka howlgalka waxa ay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku sheegtay in ay uga hortagayso halista dhinaca ‘AS’ ee ka dhanka ah Ciidanka Federaalka iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas sida hadalka loo dhigay.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadeeda Daraawiishta ah ay u taagan yihiin sidii looga hortagi lahaa weerarrada jidka ah ee ‘AS’ ka fuliso deegaanno katirsan Gobolka Gedo kuwaas oo dhaliya saamayn taban sida marar badan dhdacday.
Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa ay horay howlgallada ay samaynayaan ciidamada Daraawiishta ee ka dhanka ah ‘AS’ u wareejisay xiisadda kala dhaxeysa Ciidanka Dowladda Federaalka oo degmooyin kala duwan ku dagaalameen.
Mustaqbal
