Duqa Muqdisho oo xarrig jaray Waddada Soobe oo dib u dhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xarrig jaray Waddada Soobe oo ku burburtay roobabkii xoogganaa ee Caasimadda ka da’ay.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hodan iyo Wadajir ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa munaasabadda xarrig jarka maadaama waddadaan ay dhexmarto labadaan degmo isla markaana marin muhiim u ah isu socodka Gaadiidka.

“Waddadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha,  Arrintaan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena” Ayuu yiri Duqa Muqdisho, Xasan Muungaab.

Dhismaha waddadaan ayaa saamayn taban ku reebtay isu socodka Gaadiidka Degmooyinka Hodan iyo Wadajir, halka dhinac ee ka furnayd oo ay isaga hor imaanayeen Gawaarida waxaa ka dhalanayay Saxmad sababi karta in waqti badan uu dadka halkaas uga dhumo.

Muqdisho waxaa dib u dhis lagu wadaa qaar kamid ah waddooyinkii ku burburay roobkii xooggaa, qayb kamid ah waala soo gabagabeeyay halka qaar kale weli ay dhiman yihiin, Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegtay in ay dib u dhisayso waddooyinkaas burbursan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Itoobiya oo maanta daahfuraysa Biyo xireenka dhismihiisu isku qabteen Masar

Read Next

DG Jubbaland oo faahfaahin ka bixisay howlgallo ciidamada Daraawiishta ka sameeyeen Gobolka Gedo