Ciidamada DFS & Macawiisleyda oo garab ah oo ‘AS’ kula dagaalamay Shabeelaha Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal ‘AS’ kula galay deegaannada Godka Galayda & Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Saraakiil hoggaaminaysa ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in khasaara xooggan oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Dagaalkaas inkasta oo warar la helayo ay sheegayaan in duqaymo ay ka dhaceen deegaanno kale oo halkaas ka dhow.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si dhab ah uma faahfaahin khasaaraha dhankooda soo gaaray iyo kan ay gaarsiiyeen ‘AS, saraakiil katirsan ciidanka Xoogga ayaa shaaciyay in muddooyinkii dambe ay is uruursanayeen AS.

La soco wxii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Masaajidda Dalka oo maanta khudbadda Jimcaha looga hadlay faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya & dhibaatooyinka ku hoos duugan

Read Next

Qarax lala eegtay kolonyo galbinaysa Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle