MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Masaajidda Dalka waxaa Khudbadda Jimcaha maanta looga hadlay faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya kaddib markii todobaadkii hore ay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Maamulka Somaliland iyada oo Imaamyadu ka sheekeeyeen Cadawtooyada Yuhuudda.
Waxa ay soo qaateen Aayado Qur’aan oo ka hadlaya dhibaatooyinka Yuhuudda, waxaana ay ku baaqeen in laga fogaado wax weliba oo qofka diintiisa, dadnimadiisa & sharaftiisa dhaawacaya sida diintu naga reebtay.
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka ayaa shalay soo jeedisay in Khudbadda Jimcaha maanta looga hadlo Faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya iyada oo isku dayday in ay kala goyso Dalka.
Israa’iil ayaa guuldarro xooggan todobaadkaan kala kulantay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay aqoonsiga ay sheegtay in ay ku aqoonsatay Somaliland, waxa ay garabkeeda ka waysay dalal badan oo horay u dhinac taagnaa qadiyaddaan darteed.
Mustaqbal
