Ashley Young oo seegaya kulanka Arsenal, Sabab?

Xidiga kooxda Manchester United iyo xulka Englan ee Ashley Young ayaa la sheegaya in uu seegi karo kulanka adage e isbuucan dhaxmari doono kooxda Man United iyo Arsenal.

Man United ayaa Arbacada Old Trafford kula ciyaari doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League iyaga oo ay ka go,antahay in ay guul gaadhaan.

Ashley Young ayaa seegi doona kulanka Muhiimka ah kadib markii uu qaatay 5 kaar oo digniin ah kulamadii premier League ee uu u ciyaaray kooxdiisa ilaa haatan.

Kabtanka kooxda United ee Young ayaa kaarkii 5-aad helay kulankii ay United bar-baraha la gashay kooxda Southampton Sabtidii kana tirsanaa horyaalka premier league.

Taas ayaa la macno ah in uu xiddiga reer England ganaax ku seegi doono kulanka Bartamaha todobaadka ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Arsenal.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Neymar Oo Dhaawac Soo Gaaray, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?

Read Next

Ciidanka Dowladda oo howlgal ka wada suuqa Bakaaraha