Neymar Oo Dhaawac Soo Gaaray, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?

Weraryahanka kooxda PSG iyo xulka Praziil Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac xoogan soo gaaray kulankii xalay.

Xiddiga reer Brazil ayaa daqiiqadii 58-aad lagu badalay Eric Maxim Choupo-Moting ka hor kulanka adagy ee ay la ciyaari doonaan Red Star Belgrade.

Neymar ayaa la arkay isaga oo si toos ah qolka Labiska u galaya isaga oo waliba gacanta ku haya muruqa bawdadiisa.

PSG ayaa kulan muhiim ah Red tar la ciyaari doonta kulan ka tirsan champions League kaas oo go,aamin doona rajadooda tartanka.

Neymar ayaa muruqa bawdada ka dhaawacmay daqiiqado kadib markii ay kooxda Bordeaux dhalisay goolka bar-baraha iyada oo markaas 31 daqiiqo ka harsanayn ciyaarta.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Sarkaal ka tirsanaa laanta Dambi baarista Somaliya oo lagu dilay Baladxaawo

Read Next

Ashley Young oo seegaya kulanka Arsenal, Sabab?