Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Waydow ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta  halkaasi uu ka dhacay Qarax miino oo gaystay Khasaare.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in 7-ruux ay ku dhaawacmeen oo 4-kamid ah dadkaas ay ahaayeen Ciidamo Militari ah oo gaarnaa Gaariga la qarxiyay, halka 3-da kale ay ahaayeen shacab.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay Gaari kuwa dagaalka ah ee Ciidamada Dowladda ee loo yaqaan Cabdi bile oo maraayay meesha.

Ciidamada Dowladda ayaa riday rasaas qaraxa kadib, lamana soo sheegin khasaare ay geystay, maadaama dadkii goobta ka dhawaa qaraxa kadib ay baxsadeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaarigii Cabdi bilaha uu sii cararay, waxaana gaariga gaaray firir ka dhashay Qaraxa, iyadoo lagu qaaday askarta dhaawaca soo gaaray.

Dhaawacyada askarta ayay wararku sheegayaan in ay liiteen oo ay dhiig baxeen kahor inta aan goobta laga qaadin.

Halka qaraxa uu ka dhacay ee Weedow waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay qaraxyo u badan Miinada dhulka lagu aaso, waxaana inta badan lala eeganayay Gawaarida Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ee ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Web master

Read Previous

AMISOM oo beenisay in laga qabsaday Sabiid

Read Next

Man City oo £90m ku dooneyso Harry Maguire.